Puntland oo MA-GAFE u aqoonsatay madaxweyne XASAN + Sababta

Posted on

Garoowe (Wararka Maanta) – Maamulka Puntland ayaa shaaciyay inuu Ma-gafe u aqoonsaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Dirir ayaa ku dhowaaqay arrintaan, isaggoo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu xanibay dhamaan mashaariicdii laga fulin lahaa deegaanada maamulka, inkasta oo dowladda dhexe ay horey ugu eedeysan Deni inuu hortaagan yahay arrintaan.

Wasiirka oo wareysi siiyay Radio Daljir ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u adeegsaday magaca Ma-gafe oo sida caadiga ah loo yaqaan shakhsiyaad qawleysato ah, kuwaasi oo lacag madax-furasho ah ka qaata tahriibayaasha.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa Ma-gafe waxa uu isbaaro u dhigtay dhammaan mashaariicdii horumarinta ee laga fulin lahaa Puntland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa uu rabaa in haddii aan isagu maamulayn uu sidaasi ku xannibo marka wa qof Ma-gafe ah oo isbaaro dhigtay.”

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan ku eedeeyay dastuur jebin iyo ku tumashada sharcigii lagu soo doortay, uuna ku howlan yahay baabi’inta nidaamka dowladnimada Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay tahay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa muddo si toos ah u wada-shaqeyn, ayada oo uu si weyn u saameeyay khilaafka labada nin ee u sareeye waa Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kuwaas oo isa seegay tan iyo markii uu Xasan magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.



Source link