Maxay tahay Tallaabada ay qaadi karto DF kadib hanjabaadda Al-Shabaab?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Kooxda Al-Shabaab oo markii ugu horreysay si adag uga hadashay canshuurta iibka ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay beegsan doonto shirkadaha iyo bangiyada dalka ee fuliyay markii dowladda.

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo digniintan soo saaray ayaa arrintan ku tilmaamay dhac loo geysanayo hantida shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in canshuurtani ay billow u tahay baneysashada hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Dheere ayaa u digay ganacsatada iyo bangiyada dalka ee fuliyay qaadista canshuurtaas, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay hantidooda kala baxaan muddo isbuuc ah oo maanta ka bilaabaneyso, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Sheekh Cali Dheere.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa inay muddo hal isbuuc ah oo ka bilaabaneyso 26 August 2024 ay hantidooda kala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynay boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Haddaba maxaa la gudboon DF Soomaaliya, kadib hanjaabadda Al-Shabaab?

Falanqeeye Maxamed Xaadir Nuur oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka hortegto dhagartka Al-Shabaab, si looga feejignaado inay beegsato ganacsatada iyo shirkadaha.

Maxamed Xaadir ayaa sidoo akle xusay in hay’adaha amniga ee dowladda looga baahan yahay inay ilaaliyaan ganacsatada kadib digniinta kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waa inay ilaalisaa ganacsatada digniinta Al-Shabaab kadib, si looga hortego inay burburiso hantidooda. ” ayuu yiri aqoonyahanku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Haddii dowladdu diyaar ka tahay ama ka go’an tahay waxay xoojin doontaa amniga, waxayna abuuri doontaa qorshayaal amniga caasimada lagu sugaayo”.

Si kastaba, digniinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadey saacado uun, kadib markii shalay ay kooxda qaraxyo ku burburisay goobo ganacsi oo ku yaallay Ceelasha Biyah ee duleedka Muqdisho, waxaana lagu sheegay sababta ay u beegsadeen xiridda kaamirooyinka CCTV.



Source link