Firdhiye oo tegay furimaha dagaalka ee Goojacadde, kana hadlay qadiyadda SSC

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Kulan weyn ayaa maanta lagu qabtay xerada ciidamada SSC-Khaatumo ee deegaanka Guumays ee gobolka Sool, halkaas oo lagu xusay sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii ciidamada Somaliland laga saaray xerada Goojacadde iyo deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamadiisa oo ku sugan jiidda Guumeys ayaa sheegay in ay maanta ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen sanad ka hor markii uu socday dagaalkii dhex maray iyaga iyo Somaliland.

“Ciidankeennu sanad ka hor iyo maanta wuxuu awood badan yahay maanta, waxa uu tayo roon yahay maanta, waxa uu tiro badan yahay maanta, waxaa maanta barbar taagan ummadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel dhamaantood, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firshiye ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ku gacan siisay sanad ka hor dagaalkii ay la galeen Somaliland, isagoo sheegay in aan marnaba laga tanaasuli doonin qadiyaddii ay u dagaalameen dadkii uga dhintay dagaal 8-bilood ay kula jireen Somaliland.

Goojacadde sanad ka hor wuxuu ahaa taliskii ugu weynaa ee ciidamada Somaliland ay ku lahaayeen aagga bari, hada waa taliska ugu weyn ciidamada SSC Khatumo oo qadiyadoodu sanad jirsatay.

SSC ayaa sameysay muddo sanad ah hormar weyn, waxaa si KMG ah maamul ka tirsan dowladda federaalka ugu aqoonsatay dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, halka Somaliland ay sanadkaan soo gaartay guul-daradii ugu weyneed abid.

Hadda Somaliland waxay u muuqataa inay ku qanacday guul daradeedii Goojacadde iyo lumintii Laascaanood, Sool iyo beelaha Daarood ee Dhulbahante iyo Warsangeli.

Muuse Biixi ayaa maalmo ka hor tegay saldhigii ay degeen ciidamada Somaliland ee sanad ka hor dagaalka looga saaray Laascaanood iyo Goojacadde, wuxuuna ku goodiyey in Somaliland dagaalka wadi doonto ilaa ay ka noqoto qaran la aqoonsan yahay.

 



Source link