PUNTLAND oo jawaab ka bixisay eedeyntii QM ee toogashadii ragga Al-Shabaab

Posted on

Garoowev(Wararka Maanta) – Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Diriir oo hadal siiyay warbaahinta ayaa si adag uga jawaabay eedeyntii uga timid Hay’adda carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNICEF.

Warbixin ay dhowaan shaacisay hay’adda ayaa waxaa looga hadlay toogasho ay Puntland ku fulisay 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, taas oo ka dhacday waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana UNICEF ay sheegtay in ragga la toogtay ay ku jireen carruur aan weli qaan gaarin.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku gacan seyray eedeyntaasi, wuxuuna sheegay in dhammaan dadka la toogtay ay ahaayeen  qaan-gaar a, isla markaana lagu helay dambiyo argagixiso oo ay gaysteen Puntland, sida weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kahor inta aan la toogan raggaasi la marsiiyay baaritaano, isla-markaana a xaqiijiyay in dhamaantood ay ka weyn yihiin qaan-gaaro.

“Dadweynaha waxaa loo xaqiijin karaa in midkoodna kuwa la toogtay aysan da’doodu ka yareyn 30 sano. Da’dooda iyo aqoonsigooda si taxadar leh ayaa loo xaqiijiyay si loo hubiyo inay qaangaar yihiin, waxayna si iskood ah u qirteen dambiyadooda,” ayuu yiri Dirir.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiaqay in dilkooda loo maray habab sharci ah oo ay ku jiraan baaritaano rasmi ah iyo tijaabooyin badan, sidoo kale shaqsiyaadka la xukumay  la siiyay muddo 3-sano ah si ay racfaan uga qaataan xukunka lagu riday.

10 xubnood ayaa toogashadooda waxa ay dhacday 17-kii bishan, waxaana ay kala ahaayeen:-

1. Xukmane Xasan Jaamac Maxamed 2. Xukmane Liibaan Aadan Muuse 3. Xukmane Barkhad Cawil Xirsi 4. Xasan Muuse Axmed 5. Xukmane Cabdiqaaliq Warsame Barre 6. Xukmane Cadde Cabdullaahi Maxamed 7. Xukmane Maxamed Cabdisalaan Axmed 8. Xukmane Cabdiraxmaan Faysal Salaad 9. Xukmane Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi iyo 10. Xukmane Cabdisalaan Sahal Shucayb.



Source link