DAGAAL culus oo dhex-maray ATMIS iyo Shabaab

Posted on

Afgooye (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ATMIS oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanada Daanow iyo Buur-Colow ee gobolkaasi, waxaana xigay dagaallo toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

ATMIS oo si kooban uga hadashay dagaalkan waxa ay shaacisay inay iska difaacday weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla markaana ay iyaga gacanta ku hayaan deegaanada lagu dagaalamay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul wayn ka sheegtaya weerarada ay ku eekeysay saldhigyadaasi, waxayna xustay inay dishay askar ka tirsanaa ciidamada ATMIS, walow aysan shaacin tiradooda rasmiga ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weerarada kadib howlgallo sameeyay ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa dowladda ee ku sugan Shabeelaha Hoose.

ATMIS ayaa hadda waqtigeedu dhammaad yahay, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan ay isaga baxaan gudaha Soomaaliya, maadaama la diyaariyay howlgal cusub oo bedalay, kaas oo ay dhowaan ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Si kastaba, dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufu oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilli ay weli sii socdaan howlgallada xoreynta ee ka socda gudaha dalka.



Source link