Muqdisho (Allbanaadir) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya Sultan Abdulrahman Al-Marshad.
Kulankan ayaa imanaya saacad uun kadib markii laba dowladood ay Muqdisho ku gaareen heshiis ay qalinka ku duugeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Sacuudiga.
Kulanka ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen sidii ay kaalin uga qaadan lahayeen iskaashiga labada dhinac gaar ahaan arrimaha maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga uu kaalin muuqata uga geysan lahaa; arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka iyo maalgashiga.
Sanduuqan ayaa kamid yahay hey’addaha sida gaarka ah ula shaqeeya dowladda, sidoo kalena uu qeyb weyn ku lahaa barnaamijkii dib-u-habeynta dhaqaalaha dalkeenna ee horseeday in Soomaaliya ay gaarto deyn cafin dhameystiran.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyey wafdiga ka socday Boqortooyada Sucuudiga booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado waaweyn oo maalgashi gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.
Kulankan ayaa waxaa Maamulaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku wehliyay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda, halka ra’iisul wasaaraha ay ku wehlinayeen Wasiirka Maaliyadda iyo xubno ka tirsan golihiisa.