Aabe Cabdicasiis oo dalab culus u gudbiyay Maxkamadda Sare

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo ahayd xaaskii Sayid-Cali Macallin Daa’uud ayaa maanta soo saaray dalab culus ku aadan kiiskiisa gabadhiisa, xilli ay maanta guda gashay Maxkamadda Sare ee dalka.

Aaabe Cabdicasiis ayaa dalab toos u ah gudbiyay Maxkamadda Sare, wuxuuna ka codsaday inay cadaalad u raadiso gabdhiisa, ayna si xaq ah ugu kala xaq soorto labada dhinac.

Waxaa kale oo uu rajo wanaagsan ka qabo in kiiska uu soo dhammaan doono, isla markaana uu heli cadaalad.

“Xaalkeeda normal waayay waxaan sugayaa cadaalad ayaan Ilaahey ka sugeynaa xaqa hala ilaaliyo dadka haloo kala xaq sooro, cidna yaan loo eexan” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale waxaa weli socota dooda maxkamadda, iyada oo marka hore la dhegeystay qareennada difaacaya eedeysanaha oo iyagu rafcaan usoo qaatay Maxkamadda Sare.

“Marqaatiyaashii iyo Dhakhaatiirtii gacanta ku heysay Marxuumad Luul midna ma sheegin in uu Sayid Cali dilay xaaskiisa” ayuu doodiisa ku yiri Abuukaate Cali Xalane.

Waxaa sidoo kale la dhegsetay xafiiska xeer ilaalinta oo isna sharraxaad ka bixiyay dacwadda loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo uu kiiskiisu soo maray marxalado kala duwan.

”Waxaan maxkamada keenay markhaatiyaal nool nool oo cadeynaya in ay maqlayeen AUN marxuumad Luul oo leh walalow ha igubin miyaadan muslim ahayn oo ashahaadaneyso” ayuu yiri Xeer-ilaaliye ku xigeen Yaxye Maxamuud.

Sayid-Cali Macallin Daa’uud waxaa horay xukuno dil ah ugu riday labax maxkamadood oo kala ah maxkamadda darajada koowaad iyo midda racfaanka ee gobolka Banaadir.



Source link