Premier Bank oo markii ugu horreysay dalka ka daah-furay ATM Cash Deposit

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Premier Bank wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay adeegga cusub ee ATM Lacag Dhigasho (Cash Deposit), oo si gaar ah loogu talagalay in uu macaamiisha siiyo xorriyad buuxda oo lacag dhigashada koontada bangiga ah.

Adeeggan cusub wuxuu u suurto gelinayaa macaamiisha inay si fudud oo ammaan ah ugu shuban karaan lacagtooda waqti kasta oo ay doortaan, maalin iyo habeenba; iyadoo ATM-yadeennu ay u adeegayaan si joogto ah.

Faa’iidooyinka ugu Muhiimsan ee Adeeggan:

Helitaan Joogto ah: ATM-yadeenna ayaa udiyaarsan in la heli karo waqti kasta; si aad lacagtaada ugu shuban karto koontadaada marka aad u baa- hato, iyadoon xilliga loo eegin.

Hufnaan, Ammaan, iyo Degdegsiimo: Adeeggan wuxuu ku siinayaa kalsooni iyo ammaan, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyaddii ugu dambeysay si lacagtaadu si dhaqso ah ugu gasho koontadaada.

Madaxa Howlaha & ku simaha Maareeyaha Guud ee Premier Bank Mahad Axmed Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay faa’iidada adeeggsan isagoo yiri:

“Soo bandhigida adeegga ATM Cash Deposit waa caddeyn buuxda oo muu- jinaysa sida aan ugu heellanahay casriyeynta iyo horumarinta adeegyada bangiga, si aan macaamiisheena u siino adeeg bangi oo dhamaystiran, ammaan ah laguna kalsoonyahay. Sidaas darteed ATM Cash Deposit wuxuu kusiinayaa xorriyad lacag dhigasho 24/7 ah, taasoo si sahlan u daboolaysa baahiyaha bulshada maaliyadeed.”



Source link