Rag halis ah oo lagu qabtay MUQDISHO, kadibna laga helay….

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmd Diiriye (Yabooh) oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa ka hadlay arrimo la xiriira ammaanka Muqdisho iyo howlgallada ka socda.

Yabooh ayaa si gaar ah uga warbixiyay rag halis oo uu isaga gacanta kusoo dhigay xilli uu marayay waddo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu sheegay in ay sawir ka qaadayeen xarun dowladeed oo ku taalla gudaha caasimada.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaasi ay ahaayeen laba nin oo watay mooto, isla markaana uu ka daba yimid, iyaga oo ku howlan sawirka xerada oo uusan carab baabin, kadibna waxa uu tilmaamay inay ka shakiyeen oo ay waydiiyeen su’aallo dheeraad ah.

“Daraad aniga oo meel socda ayaa waxaan ka daba imid laba nin oo mootada laba Lugaaleyda ah saaran oo meel darbi ah sawiraayo waan istaajinay taleefannadii iyo wixii ayaa laga qaaday waa la fiiriyay wixii ay sawirayeen ayaa la fiiriyay maxay ahaayeen waxaad sawiriseen ayaan ku iri? waxay dheheen waan iska sawireynay, meesha ay sawiraayeen waxay ahayd xero dowladeed” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga.

Intaas kadib waxa uu hoosta ka xariiqay inay raggaasi ku wareejiyeen hay’adaha amniga si loogu sameeyo baaritano dheeraad ah, si loo hubiyo waxa ay yihiin.

“Aniga iskama sii dayninee waan soo waday meel ay hay’adaha amniga joogeen ayaan keenay waa la baaray waxaa la arkay inay halis ahaayeen markii dambana waxaa lagu wareejiyay dadka ku shaqada leh” ayuu mar kale yiri Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka oo hadalka sii wata ayaa xusay in baaris dheer kadib raggan laga helay sawirrada askar, dhar ciidan iyo bistoolado.

“Kadib baaris dheer waxaa taleefanooda laga sii helay wax badan askar ayaa laga helay, dhar askar ayaa laga helay, bistoolado ayaa laga helay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “In qofka meel joogo la waydiiyo oo la yiraahdo maxaa qabaneysay? wax colaad ah ma’ahan, mana aha wax qalqal-gelin ah”.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay weeraro ay soo abaabushay kooxda Al-Shabaab, haddana sidaas oo ay tahay waxaa ka socda howlgallo ay iska kaashanaayaan ciidamada Booliska, Nabad-Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimada.



Source link