Taliyaha NISA oo qaaday tallaabo culus kadib qaraxyadii maanta + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta qaraxyadii maanta ka dhacay duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa si deg-deg ah ku booqday goobaha ay qaraxyada ka dhaceen oo kala ah degmada Garasbaaley iyo duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha.

Taliyaha ayaa kasoo muuqday xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ay saaka ciidamada NISA ku qarxiyeen gaari ay qaraxyo kasoo buuxiyeen Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya

“Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale Taliye Sanbaloolshe ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugnayd goobaha ay qaraxyada ka dhaceen, kuwaas oo la wadaagay xogta weeraradii maanta.

“Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qaraxa ka dhacay dhanka Garasbaaley oo ismiidaamin ahaa ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidanka NISA waxaana lagu dilay 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, halka qaraxa ka dhacay duleedka Ceelasha aanu gaysan wax khasaare nafeed ah.

Weeraradan qaraxyada ah ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan Muqdisho ay ka taaganayd xaalad cabsi ah oo ku aadan weeraro laga digayay inay ka fuliyaan Al-Shabaab.



Source link