Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Posted on




Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa xaafadaha Tareedisho iyo Macaani oo ka wada tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Ilo wateedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala beegsaday bar-koontarool oo ku taalla halkaasi, ayna dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Soomaaliya.

Khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu ka dhashay qaraxa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray meesha ay wax ka dhaceen.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay degmada Garasbaaley ee gobolka Bamaadir.

Wixii soo kordha kala soco: Caasimada.net










Source link