Qoor Qoor oo dhibsaday qorshe uu bilaabay Liibaan Shuluq iyo xaalad ka taagan Galmudug

Posted on

Ceeldheer (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha degmada Ceeldheer ee hobolka Galgaduud Cabdiraxmaan Axmed Cumar ayaa war culus ka soo saaray safarka uu Galmudug ku marayo musharax Liibaan Shuluq, isagoo ka digay qorshaha ui wato ninkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka reer Ceeldheer iyo deegaanada hoos taga ay ku jiraan xaalad halgan oo kooxaha Khawaarijta ay isaga xoreynayaan, kuwa iska xoreeyana ay isaga difaacayaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Barre ayaa sheegay in qorshaha siyaasiyiintaas uu yahay olole siyaasadeed oo khatar ku ah deegaanka, maadaama dadkaas ay dani ugu jirto inay iskaashadaan oo siyaasadda aysan ku milmin.

“Siyaasiyiintu ma’ahan in olale doorasho ay uga faa’ideestaan arrimaha Ciidanka iyo howlgalada socda, mana ahan wax aan ka yeeli doono, halkaan anaga ayaa ka talina, waxaana madaxweyne ka ah Axmed Cabdi Kaariye, juhdi badan iuo dhiig badan ayaa loo daadiyey Ceeldheer iyo deegaanada hoos yimaada,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer.

Siyaasiga Liibaan Axmed Xasan oo Liibaan Shuluq loo yaqaano ayaa hadda ku sugan degmada Xarardheere, wuxuuna qorsheynayaa inuu safar dhulka ah ku tago Ceeldheer, balse digniin ayaa durba bilaabatay.

Saraakiisha ciidamada deegaanka, guddoomiyaha degmada Ceeldheer iyo xubno kale oo taabacsan Qoor Qoor ayaa toos Liibaan Shuluq ugu sheegay in deegaanka uusan imaa karin.

Maalin ka hor markii Liibaan uu tegay Xarardheere waxaa ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo Qoor Qoor uu ka carooday, kadib markii guddoomiyaha degmada Xarardheere uu si cad u sheegay in Galmudug uu ka dhacay muddo kororsi aan loo baahneyn, qasabna ay tahay in deg deg doorasho loo aado.

Shalay Guddoomiyaha Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa raali gelin ka bixiyey hadalkaas, isagoo sheegay in deegaanka uu Qoor Qoor Madaxweyne ka yahay, isla markaana uu qaldamay, balse waxaa la aaminsan yahay in hadalkaas uu ku tashkiiliyey musharax Liibaan Shuluq.

Qoor Qoor ayaa aad u dhibsaday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Liibaan Shuluq uu ka wado deegaanada Galmudug, isagoo shalay xilka ka qaaday wasiiru dowlihiisii Madaxtooyada Cumar Shido oo la sheegay in gacan yare uu u yahay Liibaan Shuluq iyo wasiir ku xigeenkii dhalinyarada iyo cayaaraha oo musharax Liibaan ku wehliya safarka uu Xarardheere ku joogo.



Source link