Yaa la siiyaa canshuurta ay qaado DF Soomaaliya?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maanta ka qayb-galay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay arrinta canshuuraha ee ka taagan magaalada Muqdisho.

Faarax Cabdulqaadir ayaa shaaca ka qaaday in bixinta canshuurta ay muhiim u tahay dowladnimada iyo horumarka dalka, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta inay bixiyaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sharraxaad ka bixiyay halka ay ku baxdo canshuurta ay hadda qaado dowladda dhexe, wuxuuna sheegay in la siiyo askarta, macallimiinta, sidoo kalena wax looga qabto horumarka dowladnimada dalkeenna.

“Askarteenna canshuurtaa la siiyaa, macallimiinteenna canshuurtaa la siiyaa waxa dadka loo qabanayo canshuurta waayay dowladnimo ma jiri karto, dalkana ma haysan karno haddii aan canshuur la bixinin” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Qofka aan rabin inuu canshuurta bixinin waa inuu ogaadaa dalka inuu dayacan yahay, haddii u dayacmana dhaxal nooma harayo”.

Wasiir Faarax Sheeh Cabdulqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ku howlan tahay qorshayaal ballaaran oo lagu hormarinayo dalka, isaga oo soo hadal qaaday doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan ay ku guda jirto dowladda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in mardhow ay dhici doonto in codadka laga raadsado dadweynaha, isla markaana rabitaanka shacabka uu guuleysan doono.

“Waxaan rabnaa in siyaasiyiinta ay idin soo raadiyaan oo madaxda idinka idin soo raadiso oo guryaha albaabadooda la’idinku soo garaaco oo idin dhahaan codka isii waan ku baryaa wax fiican ayaan qabanayaa waa ila xisaabtamee” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyntii wixuu yiri “Meesha ugu horreyso ee doorashadaas laga qabanaayo waa gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa, waa inaan u diyaar garowno isbeddalka soo socda”.



Source link