Madaxda HirShabelle oo buux dhaafiyay xafiiska R/W Xamza + Ujeedka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxda HirShabelle oo uu gu horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa maanta tegay xafiiska ra’iisul wasaaraha, halkaas oo uu ka dhacay shir looga hadlayay xaaladda maamulkaasi.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana gooboog ahaa inta badan xubnaha golaa wasiirada iyo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xasilinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee ku yaalla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiina HirShabelle iyo xukuumadda ayaa si gaar ah uga arrinsaday  sidii adeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa, loona qiimayn lahaa mashaariicda ka socota deegaannada Hirshabelle.

Sidoo kale waxaa shirka lagu lafa-guray muhiimadda barnaamijka xasillinta iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadka Soomaaliyeed ee iska dulqaaday culeyska Khawaarijta.

Madaxweynaha Hirshabelle oo madasha ka hadlay ayaa warbixin ka siiyay Xukuumadda safarkii uu dhawaan ku soo maray inta badan degaannada Hirshabelle oo sida uu sheegay ahaa u-kuur-gelidda xaaladda dadka degaannada la xoreeyey.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS ayaa xusay in Xukuumaddu ahmiyad wayn siinayso sidii dadkaas u heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah, sida waxbarashada, caafimaadka, biyo nadiif ah iyo dhismaha maamulka degmooyinka iyo laamaha amniga.

HirShabelle ayaa kamid ah meelaha Al-Shabaab lagu jabiyay wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana laga xoreeyay deegaano iyo degmooyin waa wayn oo ka tirsan maamulkaasi.



Source link