Mareykanka oo shaaciyay fursaddii ugu dambeysay ee dagaalka GAZA – Maxay tahay?

Posted on

Tel Aviv (Wararka Maanta) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada-hadalada haatan socdaa inay yihiin isku daygii u dambeeyey ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaaro dagaalka ka socda marinka Qaza ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Heshiiskan uu gadaal ka riixayo Mareykanka, uuna ku tilmaamay fursaddii u dambeysay ee xal ka gaarisa dagaalka Gaza ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah sii deynta la haystayaasha kala duwan.

“Waxaan joogtaa xilli xasaasi ah – malaha waa tan ugu fiican, amaba isku daygii ugu dambeeyey, ee fursad loo helo in dib loosoo celiyo la haystayaasha, isla markaana lagu gaadho heshiis xabbadjoojineed, taas oo qof walba siinaysa fursad wanaagsan oo lagu gaadhi karo nabadgelyo iyo ammaan waara,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Blinken ayaa Isniintii la kulmay madaxweynaha Israel Isaac Herzog, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant gelinka dambe ee maanta.

Waa safarkii 9-aad ee uu ku tago gobolka tan iyo markii ay colaaddu billaabatay 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.

Wada-xaajoodyo ay gadhwadeen ka ahaayeen Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaa ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar usbuucii hore si ay u soo saaraan nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska.

Wada-hadaladan ayaa la filayaa in dib looga bilaabo magaalada Qaahira dabayaaqada usbuucan, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda labada dhinac.



Source link