Maxaa kasoo baxay shirkii ka dhacay dekedda wayn ee Muqdisho?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo Wariyeyaasha u qabtay shir jaraa’id ayaa ka warbixiyay shir gaar ah oo ka dhacay dekedda Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradda maaliyadda, maamulka dekedda iyo taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda, ayada oo looga hadlay wax ka qabashada cabashooyinka ay dowladda u gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Biixi Iimaan Cige ayaa shaaca ka qaaday in shirkooda ay diiradda ku saareen dhammaan culaysyadii ay ka cawdeen ganacsatada ee ka jiray dekedda, ayna xalliyeen.

“Culaysyadii ay soo gudbiyeen ganacsatada Soomaaliyeed sidii loo furdaamin lahaa ayaa qaybtii koowaad in la fuliyo ayaan halkan u nimid runtii si aad iyo aad u qurux badan ayay noogu dhammaatay” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in meelaha cabashada laga keenay ay kamid ahayd konteenar jabinta oo lacago lagu qaadi jiray, wuxuuna sheegay in haatan meesha laga saaray.

“Meelaha ugu muhiimsan ee ay ganacsatadu ka cawdeen ee culayska ku haya runtii habsami u socodkii shaqada dekedda ayaa la’iska warsaday,waxaa kow ka ah arimaha la xiriiray konteenar jabinta oo culays uu ka jiray oo sidii loo xallin lahaa meel la’isla dhigay, maanta laga bilaabana aanay ka imaaneyn wax culays ah” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Culaysyadii dhaqaale ee halkaas lagu tuhunsanaa dhammaantood meesha laga saaray”.

Sidoo kale wuxuu wasiirku hoosta ka xariiqay in wadatashi dheer kadib la xaliyay dhammaan cabashooyinkii ay ka qabeen ganacsatada arrimaha ID-ga, balse qaabka loo xaliyay iyo sida uu noqon doono ay dib ka soo sheegi doonaan maamulka dekedda.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in gebi ahaan meesha laga saaray lacagihii laga qaadi jiray gaadiidka ganacsatada u raran ee ka baxa koontaroolada ku yaalla duleedka Muqdisho, sida Ex-koontarool Balcad iyo kan Afgooye.

“Culaysyada jiray ee canshuurta la xiriiray waxaa kamid ah lacagaha laga qaado dadka ganacsatada ah ee gawaarida rarta ee raba inay alaabtooda magaalada kala baxaan ama haka baxaan Ex-koontarool Balcad ama Ex-koontarool Afgooye oo iyagana lacag laga qaadi jiray lacagtaasna waa la joojiyay,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirku.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli shalay magaalada Muqdisho ay ka bilaabatay qaadista canshuurta libka oo dhan 5%, taas oo keentay cabashooyinka ay haatan soo gudbiyeen ganacsatada oo indhowaanahan diidanaa go’aannada kasoo baxay dowladda dhexe.



Source link