Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inay dagaal ku raadinayaan aqoonsiga Somaliland

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee xiga dhanka deegaanada SSC Khaatumo, halkaas ciidamada Somaliland ay difaac adag uga jiraan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay wadi doonto dagaalka ilaa ay ka gaarto guul rasmi ah, isla markaana ay dunida ka hesho aqoonsi.

“Dagaalku waa soconayaa, geediga halganku waa socdaa, mana istaagayo ilaa aan guusha gaarno, guusha Somaliland waxay ku xiran tahay dagaalka, ciidan nagu filan ayaan heysanaa,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo la hadlayey ciidanka xoogga Somaliland ayaa ku amaanay sida ay ugu dhabar-adeygayaan difaaca dalkooda, isagoo u sheegay in dagaalku socon doono.

Wuxuu soo xusuusiyey maalintii lagu laayey Goojacadde, wuxuuna sheegay in ciidan waligiis jebi jiray, isla markaana aysan u jooji doonin guul darro kasta oo soo wajahda.

Wuxuu sheegay in hadafka Somaliland uu yahay guul ama geeri, “Qoladaas Xamar jooga inta ay nagu daba dhegan tahay oo xoriyadii 60-kii aan ka soo ceshaneyno Adeer dagaalku waa soconayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa ciidankaan kula hadlay deegaanka Caynaba, halkaas waxaa ku yaalla saldhigga difaaca bari ee ciidamada Somaliland, kuwaas oo bilo ka hor ku jabay saldhigoodii Goojacadde ee duleedka Laascaanood, kadib dagaal qaraar oo dadka reer Sool ay la galeen.

Hoos ka daawo



Source link