Suuqa wayn ee Bakaaraha oo maanta xiray + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa gebi ahaan albaabada la’isugu soo laabay ganacsiyadii suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sababo la xiriira canshuurta cusub ee ay soo kordhisay dowladda Soomaaliya ee maanta dhaqan-geleysa.

Ganacsatada ayaa weli cabasho ka muujinayo go’aanka dowladda ee la xiriira jarista canshuurta iibka oo dhan 5%, taas oo ay sheegeen inay culays ku tahay.

Sida ay ogaataya Wararka Maanta ganacsatada oo ka jawaabaya go’aanka dowladda ayaa iyaguna isla qaatay inay xiraan ganacsigooda, si loo xalliyo cabashadooda

Suuqa Bakaaraha ayaa maanta haawanaya, sida ay muujinayaan Sawirro laga soo qaaday, waxaana xiran ganacsiga suuqan oo ah kan ugu wayn dalka oo dhan.

Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dareemayaan culays ay soo saartay dowladda, kaas oo ka dhashay canshuurta cusub ee la saaray.

“Waxaan dareemeynaa inuu culayska nagu sii badanayo, waana arrin aan qaadi karin canshuurta cusub ee lasoo rogay” ayuu yiri mid kamid ganacsatada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ninka Marchanti lacag ka jaro EVC-gana wuu ka jari karaa sida xaqiiqda ah marka aan ka hadalno”.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo xalay la hadlay dadweynaha ayaa shaaciyey labo arrin oo caadi ka dhigeysa in loo hoggaansamo go’aanka dowladdu ay ku qaadeyso canshuurta iibka ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda dalka , kuwaas oo kala ah:

1 – in canshuurtaan ay horay u bixi jireen ganacsatada Soomaaliyeed “Waxaa maalin kasta la idinka qaadin jiray iyadoo la idin handadayo, waxayna geli jirtay gacno aan aamin aheyn, hadda waxaan ka shaqeynay inaan ku qaadno gacan aamin ah oo System marsiino,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

2 – Nidaamka Marjentiga la yiraahdo ayaa canshuurtaan lagu qaadayaa, “Qof leesin heysta oo ganacsade ah kaliya ayaa isticmaala nidaamkaas, dadweynaha caadiga ah kama go’eyso lacagtaas, EVC lacag aad ku dirtay kama go’eyso,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

 



Source link