Xamza oo ballan-qaad culus u sameeyay SUDAN xilli ay xaalad adag ka taagan tahay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha safaaradda Sudan ee Soomaaliya, Ammar Ali.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaqeynta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga xun yihiin xaaladda ka taagan Sudan.

Waxa uuna xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay walaalahooda Sudan, iyagoo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ee dalkaas.

Sudan ayaa xilligan ku jirta xaalad adag, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dhinacyada isku haya dalkaasi la iskugu keeno miiska wada-hadalka, si loogu soo afjaro dagaalka 16-ka bilood qaatay.

Wada-hadallada nabadeed ayaa la sheegay in uu diiday mid kamid ah dhinacyada dagaallamaya oo ah ciidamada qaranka, halka RSF ay sheegtay in ay gaareen magaalada Geneva ee dalka Switzerland si ay uga qeyb galaan wada-hadallada, iyagoona xaqiijiyay inay ka go’an tahay fulinta rabitaanka shacabka Sudan.

Dhanka kale, ciidamada Sudan ayaa diidan in Imaaraadka Carabta ay goobjoog ka ahaato wada-hadallada, iyagoona ku eedeeyay in ay taageereen ciidanka RSF.

Mareykanka oo dhex-dhexaadinaya wada-hadalada ayaa ku baaqay in Imaaraadka Carabta iyo Masar ay goobjoog ka ahaadaan wada-hadalada.

Si kastaba, muddo dhowr toddobaad ah ayay ciidamada gargaarka deg-degga ah isku dayayeen in ay qabsadaan magaalada, iyagoona tobanaan kun oo rayid ah ku qasbay in ay qaxaan.



Source link