Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo si weyn u korortay kadib markii ay Israel…

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Dilalka Israel ay ka waddo Gaza ayaa weli sii socda, iyada oo  weerar lagu qaaday guri ku yaal xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza lagu dilay dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaa kale oo jira dhaawacyo badan oo ay geysteen ciidanka Israel,sida ay sheegtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza.

Nin falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa tobaneeyana waxaa lagu dhaawacay weerar ay fuliyeen dad hubaysan oo Israa’iiliyiin ah oo weerar ku qaaday bulshooyinka Falastiiniyiinta ee ku nool daanta galbeed ee la haysto, iyagoo sidoo kale gubay baabuur iyo hanti kale.

Dhinaca kale, afhayeenka waasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in Jimcaha dib loo bilaabi doono wada-hadallada Israel iyo Xamaas si loo joojiyo dagaalka Gaza.

Dhexdhexaadiyayaasha xabad joojinta Gaza ee Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay shalay si loo sii ambaqaado xalka dhinacyadaasi iyo in la helo nabad waarta.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa gaartay 40,005 qof iyo dhaawaca 92,401, kadib dagaalkii bilowday 7-dii October.

Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa weli wada gumaadka shacabka, iyada oo socdaan dadaallo lagu doonayo hoos loogu dhigo xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Xamaas iyo Israa’iil, taas oo uu garwadeen ka yahay Mareykanka oo gacan difaac siiya Tel Aviv.



Source link