Ganacsatada Muqdisho oo qabatay shir jaraa’id oo DF ay uga cabanayaan

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen caqabado ay sheegeen in ay ka haystaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ganacsatadaan oo badeecadaha kala duwan ee dalka yimaada ay uga soo degaan dekedda Muqdisho ayaa sheegtay in lagu soo rogay canshuuro xad-dhaaf ah.

Sidoo kale ganacsatada maanta isugu timid kulankaas ayaa ka cabatay lacagaha iibka oo wasaaradda maaliyadda XFS ay sheegtay in la bilaabayo 18-ka bishaan Agoosto.

Canshuurta cusub ee iibka ayaa noqoneysa %5, waxayna ku waajibeysa oo laga jaranayaa qof kasta oo wax iibsaneysa.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in ay la kulmeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya, balse aysan kala soo kulmin wax natiijo ah.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay in Wasiirku ku adkeystay in la qaadayo lacagaha iibka, ayna bilaaban doonto 18-ka bishaan Agoosto, waxaana laga diiday in xitaa dib loo dhigo ilaa inta heshiis laga gaarayo.

Qaar ka mid ganacsatada oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq u diray madaxda sare ee dalka, iyagoo codsaday in arrinkooda lasoo faragaliyo.

Kulanka ganacsatada ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed, waxayna ka cabanayaan labo arrin oo ah canshuurta iibka ee lagu soo rogayo iyo canshuuro lagu soo rogay badeecadaha uga soo dega dekedda Muqdisho.



Source link