Qoor-Qoor oo ku dhowaaqay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod xilli ay is-hayaan mucaaradka

Posted on

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa shaaciyay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod.

Waxa uu sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin inay soo doortaan madaxdooda, isaggoo ku dooday in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii awoodda wax lagu raadinayay, uuna maamulkiisa qabanayo doorasho dadweyne, ayna shacabka soo dooran doonaan madaxweynaha Galmudug illaa xubnaha ka hooseeya.

Qoor-Qoor oo raadinaya waddo uu markale ugu soo laabto kursiga ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabadda xuska sanad guurada 18-aad ee Galmudug, isaggoo weerarna ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ay is-hayaan.

Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, wuxuuna Qoor-Qoor sheegay in aan laga aqbli dooniin inay hub lasoo galaan Galmudug iyo inay sameeyeen kicin bulsho ama wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada deegaanka.

“Dadka daneynaya doorashada ololaahaga ku soo bandhigo baratan iyo waxaa aad qaban karto, laakiin yaan la isku dayin wax ka dhan ah amniga dalka iyo waxaa ka reeban hub iyo saasaan hore loogu soo daalay,” ayuu yiri Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan leeyahay damacaaga loolan iyo baratan iyo inaad waxaad qabaneyso sheegato kusoo bandhigo.”

Dhawaaqa kasoo yeeray madaxweyne Qoor-Qoor ayaa qeyb ka ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka dalka. Xasan ayaa ku adkeysanaya in dalka uu ka hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, ayada oo golaha wasiirada ay dhawaan ansixiyeen sharciga doorashooyinka iyo kan xisbiyada.

Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshahan oo muddo kororsi siiyay madaxda dowlad-goboleedyada, oo iyagu laftigooda ku howlan sidii ay markale u boobi lahaayeen doorashooyinka, si ay ugu soo laabtan xukunka.



Source link