Xogta sarkaal Mareykan ah oo qirtay inuu sir xasaasi ah ka iibinayey dalka…

Posted on

Washington (Wararka Maanta) – Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Sarkaal la shaqaynayey waaxda sirdoonka ee ciidamada Mareykanka uu qirtay inuu dal kale ka iibiyay sirta ciidamada.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Korbein Schultz ayaa qirtay eedo lagu soo oogay oo ahaa inuu sirta ciidamada Maraykanka ka iibiyey dalka Shiinaha, sida ay shaacisay waaxda cadaaladda ee Mareykanka.

Schultz ayaa bishii March lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay inuu gudbiyo macluumaad la xidhiidha difaaca qaranka ee Maraykanka iyo inuu debedda u diro agab iyo macluumaad la xidhiidha arrimaha difaaca isaga oo aan haysan ruqsadda uu ku dhoofin karayey. Sidoo kale waxaa loo haystaa inuu laaluushay qaar ka mida saraakiisha dawladda.

Sarkaalkan oo haystay heerka sare ee ogaanshaha sirta qaranka (top secret clearance) ayaa xidhiidh soke la sameeyey qof ku nool Hong Kong, kaas oo loo malaynayo inuu xidhiidh dhow la leeyahay xukuumadda Shiinaha.

Sarkaalkan ayaa ninkaas kala shaqaynayey in la ururiyo macluumaad ku saabsan sirta ciidamada difaaca ee Maraykanka oo ay ku jiraan macluumaad la xidhiidha xogta qarsoon.

Sidoo kale waxaa macluumaadka sirta ah qeyb ka ahaa agabka xasaasiga ah ee arrimaha difaaca la xidhiidha, iyada oo lagaga bedelanayo, lacag la siinayey sarkaalkan, sida ku cad waraaqda qiraalka ee uu sameeyey.

Sarkaalkan ayaa la siiyey illaa $42,000 si uu xogahan u ururiyo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu. Waxaa la filayaa in xukunkiisa lagu dhawaaqo bisha January ee soo socota.



Source link