ILHAAN CUMAR oo mar kale gaartay guul taariikhi ah

Posted on

Washigton (Wararka Maanta) – Ilhaan Cumar ayey mar kale xalay u ahayd habeen adag ka dib muddo bilao ah oo ay orod ugu jirtay inay hesho tigetka mataaladda ee Minnesota ee aqalka Congreska.

Ilhaan Cumar, ayaa difaacatay tartankii doorashada hoose ee Minnesota, sida ay u sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Koongareeska Mareykanka, ayaa marki afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxa ay tartankan horudhaca ah kula tartamaysay saddex musharax kaas oo lagu go’aamin lahaa musharaxa xisbiga waxana ay hadda noqonaysaa murshaxa xibsiga ee doorashada Novembe

Ilhaan ayaa ka guuleysatay Don Samuels oo la tartamayey ayna isku xibsi yihiin, waa markii labaad oo isku xigta oo Ihaan CUmar ay nin kaga adkaato doorashada is reeb reebka ee kursiga degmada Shanaad ee gobolka Minnesota.

Warbaahinta Maraykanka iyo Soomaalida deggan gobolka Minnesota ayaa si weyn u hadal hayyey doorashadan toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo loo arkayey mid ka mida tartamadii ugu adkee ee mataalada kurisigaasi.

Iyadoo 99% codadka la tiriyay habeenimadii Talaadada, wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in Ms Omar ay ku guulaysatay 67,524 cod, oo u dhiganta in ka badan 56%.

Waxaa kaalinta labaad galay Don Samuels, oo horay uga tirsanaan jiray golaha deegaanka ee magaalada Minneapolis, kaasoo sidoo kale si dirqi ah Ilhaan ugu adkaatay sanadkii 2022-kii.

Ku dhawaqista guusheeda ka dib Ilhaan Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guusha ay gaartay ay u ahyad guul weyn oo ay ku faraxsan tahay.

“Waa guul aan rajaynayey intii aan rajaynayey in ka badan ayey noqotay, doorasho adag ayey ahayd waxkasta ayey isku dayeen ilaah ayaa noo fududeeyey.”ayey tiri Ilhaan.

Waxay si gaara ugu mahadcelisay Soomaalidii u soo baxay si ay ugu codeeyaan. Ilhaan, ayaa sheegtay inay in tani tusinayso in dadkii ka soo horjeeday ay ka badnaayeen kuwii doonayey.



Source link