Somalia, Turkiga iyo Ethiopia oo war culus ka soo saaray wadahadalka

Posted on




Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wareeggii labaad ee wadahadalkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia oo garwadeen ay ka tahay dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay caddeysay mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamay lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3-aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga sida masuuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helidda xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharci darrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Wadahadallada oo soo bilowday Isniintii ayaa waxaa adkaatay in la is hor fariisiyo ergada labada dal, maadaama Soomaaliya ay shuruud ka dhigtay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Wasiirrada arrimaha dibadda Soomaaliya, Turkiga iyo Itoobiya ayaa galabta qabtay shir jaraa’id iyagoo faahfaahin ka bixiyey qodobada looga wadahadlay wareegga 2-aad ee wadahadalka.

Hoos ka daawo










Source link