Al-Shabaab oo maanta weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay saaka dagaal-yahaanno Al-Shabaab ah ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhigan oo ay daganaayeen ciidamo dowladda ayaa lagu magacaaba Ilbaq, waxaana weerarkan ay aroornimadii hore ee saaka ku eekeysay kooxda Al-Shabaab kadib xigay dagaal toos ah oo qaatay ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, kaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka duuleedka degmada Balcad ku dhex-maray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ayaa lasoo sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Saldhiga weerarka ka dhacay ayaa kamid saldhigyada dhawaan ciidamada dowladda ay kala wareegeen ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Brundi oo muddo aad u dheer ku sugnaan jiray saldhigaas.

Majiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka, halka ay kooxda dhankeeda sheegatay in 27 askari ku dishay weerarkan, inkasta oo si madax-banaan loo xaqiijin karin sheegashada kooxda.

Kooxda ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda, uuna dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka ay ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan iska kaashanayaan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.



Source link