Cali Xoosh oo indhaha soo saaray dhulkii ‘uu qasabka ku baneeyay’ + Qorshaha (Sawirro)

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Cali Xoosh ayaa maanta soo kormeeray dhulka xarunta dhexe ee wasaaradda.

Dhulkan oo ku yaalla degmada Boondheere ee caasimadda Muqdisho, ayuu sidoo kale maanta si rasmi ah ula wareegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhulkaasi dib u dhig laga bilaabayo, kadib markii dhawaan laga saaray dad shacab ah oo deganaa, kadib markii ay u baatay wasaaradda, sida uu sheegay wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu u mahad-celiyey dadkii deganaa, ciidamada booliiska, gobolka Banaadir iyo cid kasta oo qeyb ka ahayd in dhulka dib loogu shaqeeyo umadda.

Kormeerka wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay Injineero ka socday shirkad dhisi doonta wasaaradda, waxaana la filayaa in dhawaan la bilaabo dhismaha dhulkan, oo noqonaya mid ay ku shaqeyso wasaaradda.

28-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda ay si xoog ah ku baneysay dhulkaan, ayada oo gawaarida cagafta oo ay la socdaan ciidamada ammaanka ay markaas dhinac ka mareen dhismaha ay xeyndaabkaas ka dhisteen dadka laga saaray.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka ka saaraysay dhulka danta-guud, iyada oo ku sheegtay tallaabadan mid lagu howl-gelinayo hay’adihii ku shaqeynayay oo u baahday.

Qoysas badan oo muddo dheer degenaa dhulka laga saaray ayaa qaarkood sheegay in aanay heysan meelo ay degaan mar haddii dowladda federaalka ay bannaanka uga saartay goobihii ay degenaayeen una baahan yihiin qorshe lagu garab istaagayo.



Source link