Maxay tahay madasha laga soo weeciyay Jabuuti ee maanta laga furay Muqdisho?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay madasha horumarinta Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galeen ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahanno isaga kala yimid gudaha iyo dibadda.

Madashan oo sanadkaan looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dayn cafinta kadib ayaa socon dootno muddo labo cisho ah, waxaana soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage.

Madashan oo sanadle ah ayaa waxay Heritage sanadihii dambe ku qaban jirtay dalka Jabuuti, waxaana hadda loo soo wareejiyay gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxda qeybta ka ah shirkaan ayaa bogaadiyay madasha, iyadoo aqoonyahanka loo jeediyay inay soo saaran cilmbaarisyo, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka.

“Qaran jabkii waxaa ka dhaxalnay in Qarankii uu Qaaraamooway. Waxa aan ka dhaxalnay in aynu luminno mataaladdii iyo maamuuskii aynu lahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya Bixi Iimaan Cige.

Agaasimaha Machadka Heritage Mursal Saney oo madasha ka hadlay ayaa isna waxa uu sheegay inta uu socdo shirka lasoo jeedin doono illaa 20 cilmi baaris, uuna hadafka yahay in wax lagu biirinayo horu socodka dalkeenna.

“Waxaa la soo jeedin doonaa 20 Cilmibaaris, hadafka laga leeyahay waa in la helo dadka aqoonta u leh dhaqaalaha in ay iswareystaan, si loogu gudbiyo go’aan gaarayaasha dalka,” ayuu yiri Mr. Saney.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo isna ka hadlay madasha ayaa yiri “Waa in aan ka faa’ideysannaa fursadaha, mas’uuliyiinta waxa ay abuuraan fursadaha, ka culimo ahaan aad ayaan u xiiseeneynaa waxyaabaha nagu soo biiraya.”



Source link