Xamsa oo magacaabay 4 xil oo muhiim ah iyo xubnaha qaar oo …

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magaacabay Agaasimeyaasha Guud ee afar ka mid ah wasaaradaha xukuumadiisa.

Wasaaradaha la bedelay agaasimayaashooda guud ayaa kala ah Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Dadka qaar ayaa durba toos u bartilmaameedsaday Agaasimayaasha wasaaradaha diinta iyo qoyska, kuwaas oo siyaabo kala duwan loo dhaliilay.

Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara) oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ka mid ah raggii ka yimid kooxda Al-Shabaab, iyadoo horay loo saluugsanaa in Mukhtaar Roobow laga dhigay wasiirka wasaaradda diinta.

Sidoo kale Maxamed Bashiir Cumar ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, haweenka Soomaaliyeed ayaa hoos taga wasaaradaan, balse waxay horay tabasho uga taagneed in loo magacaabay Bashiir Goobe, hadana waxay haweenku sugayaan in gabar loo soo magacaabo, laakiin ma noqon, labadaas boos ayaa si weyn loogu dhaliilay xukuumadda.

Hoos ka eeg xubnaha la magacaabay



Source link