Xukunka askari si yaab leh u dilay sarkaal saaxiibkiis ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida ayaa maanta xukun kasoo saartay kiiska Xidigle Maxamed Xasan Maxamed.

Maxamed ayaa loo soo xiray inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay ka wada tirsanaayen, ahaayeen laba sarkaal oo saaxiib ah.

Falkaas oo dhacay 12-kii May ee sanadkaan ayaa waxaa la sheegay in marxuumka uu u geeriyooday dhaawac daran oo kasoo gaaray bistoolad uu “si kaftan ah” ugu dhuftay Xidigle Maxamed Xasan.

Baaris dheer kadib xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadibna maxkamadda darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 24 bishii May ee sanadkaan, balse xeer ilaalinta ayaa markaas racfaan ka qaatay xukunkaasi.

6-dii bishaan August, maxkamadda sare ee ciidamadda qalabka sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey maxkamadda sare ku xukuntay inuu bixiyo boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex-Xidigle Xoogga Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale labo sano oo xabsi ciidan ah.

Ninkan ayaa sida la sheegay aad ugu fara ka ciyaari jiray hubka saaxiibadiisa shaqo wadaagta yihiin, ayada oo marqaatiyaashi la keenay maxkamaddana ay sheegeen in bistoolada uu Maxamed ku dhuftay Ridwaan oo ahaayeen sarkiil saaxiib ah uusan iska hubin in qasnada ku jirtay iyo inkale, ayada oo markii hore qasnadu ku jirin, balse gadaal cid gelisay la garan waayey.



Source link