ISRAEL oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo dunida oo ka aamusan

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Mareegta Middle East Eye maqaal ay qoreen qorayaasha Peter Oborne iyo Lubna Masarweh ayaa waxa uu ciwaankoodu ahaa “Israa’iil waxay soo celisay musiibadii Abu Ghraib, duniduna way iska aamustay.”

Qoraalkooda wadajirka ah, ayaa qorayaashu waxay ku xiriiriyeen muuqaallada naxdinta leh ee muujinaya gabood-falladii ay ciidammada Maraykanku ku dhawaad​​labaatan sano ka hor ka geysteen xabsiga Abu Ghraib ee dalka Ciraaq iyo waxa ka dhacaya xabsiyada Israa’iil ee ku aaddan maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

Qorayaashu waxay sheegeen in muuqaallo la mid ah, lagana yaabo in ay kasii daranyihiin, ay ka dhacayeen xabsiyada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, markii uu billowday dagaalka Gaza.

Maqaalka ayaa soo jeedinaya muuqaallada la faafiyay ee toddobaadkan la daabacay, kuwaas oo ay ku tilmaameen “mid laga naxo,” oo muujinaya askarta Israa’iil oo faraxumayn ku haya maxbuus Falastiini ah.

Maqaalku waxa kale oo uu iftiimiyay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee B’Tselem, taas oo iftiimisay siyaasadda dawladda ee sida joogtada ah ula dhaqanto iyo jir-dilka maxaabiista tan iyo bilowgii dagaalka.

Maqaalku waxa uu intaa ku daray in warbixinta B’Tselem oo ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 55 falastiiniyiin ah oo la xiray tan iyo weerarkii Xamaas ee koonfurta Israa’iil 7-dii October, ay ahayd mid xanuun badan oo dhib badan.

Waxayna warbixintu caddaynaysaa in lagula kacay bahdil, garaacid aan loo meel dayin, hurdo la’aan iyo xadgdubyo kaleo aad u daran.

B’Tselem waxay cinwaan uga dhigtay warbixinteeda “ku soo dhawoow cadaabta,” sida lagu sheegay maqaalka.



Source link