Xisbiga SHARIIF oo war culus kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka falceliyay jawaabtii uu madaxweynaha ka bixiyay  cabashada kasoo yeertay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku aadan shaqo la’aanta.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag u cambaareeyay hadala madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana qoraalka lagu sheegay inuu gef ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xisbiga intaasi kusii daray in hadalka Madaxweynu uu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ay ka tahriibaan dalka

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedkaoo dhammeystiran:-

WAR SAXAAFADEED.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaas oo  uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho. Dhallinyaradu waxay ka cabanayaan, shaqo la’aan taasoo sababtay inay adkaato sidii dhallinyaradu ay ku heli lahaayeen nolosha aasaasiga ah ee qofku u baahan yahay, waana xaqiiqo aan la inkiri karin xaaladda guud ee dhaqaalaha waddanku meesha uu marayo.

Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa  ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in  Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u arkaa inaysan mudnayn dhallinyaradu in loo qaybiyo saddexda nooc ee Madaxweynuhu u qaybiyay. Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalka waana hantida ugu qaalisan ee waddankaani  leeyahay.

Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka. Waxaa  kaloo hadalka Madaxweynaha laga dheehanayaa in dhallinyaradu ay ku biiraan argagixisada, taas oo ka dhigan niyad jabin iyo mustaqbalka dhallinyarada oo mugdi la geliyo.

Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Madaxweynaha inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka jaa’ifada ah ee uu ku sifeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waa inuu fahmaa shacabka dareenkooda ee uusan qiyaas ka qaadan oo kaliya xaaladdiisa dhaqaale iyo tan xukuumaddiisa oo kaliya.

Ugu danbeyn xisbigu wuxuu dhalinyaradda soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan hormarinta dalkooda iyo kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhigiska dalka, una adkaystaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin. Xisbigu wuxuu u rajaynayaa dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal dhow oo ifaya.



Source link