Falcelin aan caadi ahayn oo ka dhalatay tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Falcelin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu shalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay masjid ku yaalla Xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed kula taliyey inay ku shukriyaan nimcooyinka rabbi siiyey, isagoo muujiyey kalsooni iyo koboc dhaqaale oo dalku gaaray.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kuwa cabanaya ay yihiin kuwii lacagaha u aruurin jiray Al-Shabaab iyo kuwa kale oo dadka ka caayi jiray baraha bulshda, sida uu hadalka u dhigay.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Haddaba arrintan ayaa dhalisay falcelin aan aan caadi ahayn.

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada si caro leh ugu jawaabay madaxweynaha, waxayna ka falceliyeen hadallada kasoo yeeray.

Maxamed Jeelle ayaa yiri “Waxna ma caayno waxna ma amaano waxna ma shaxaadno tuugna ma nihin shiidna wa nahaya kaaley sharxaad kale no raadi Madaxweyne”

Maxamuud Cabdiraxmaan “Intaas mashruuc aad sheegtay hadey jiraan maxaa lo mari la’yahy magalada Muqdisho? Celqalow, Barmudo iyo meelo badan la soo koobi karin”.

Ifraax Aadan “Madaxweyne waddanka lacag malahane lacag waddanka so geli shiid ba na helay”.

Maxamed Nuur “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud nama qabato Aflagaado iyo shiid, hadaan nahay canshuur bixiyaaahii dalka, nolosha waa cariiri, waxaana ugu wacan shirkadahaan ganacsiga weerarka ku soo qaaday ee Qandaraasyada loo wada xiray”.

Haadi Maxamed “Madaxweyne dhalinyarada shiidsan ee shaqa la,aanta heyso ina khawariij ku tilmaamto waa qalad”.

Ina Barqash “Waxan maqli jiray nin dhergan nin baahan kama naxo waa sidaan oo kale madaxweynihii wadanka ayaa sidaa u hadlaay”.



Source link