Dad ku dhow 100 qof oo ku dhintay Brazil kadib markii…

Posted on




Sao Paulo (Wararka Maanta) – Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil, iyadoo ay shilkaasi ay ku dhinteen 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh.

Diyaaradda oo ka duushay magaalada Cascavel ee gobolka Parana ayaa ku sii jeeday garoonak diyaaradaha caalamiga ah ee Sao Paulo. Waxay ku dul dhacday xaafado la dagganyahay oo ku yaalla degmada Vinhedo oo 80 km u waqooyi galbeed uga beegan magaalada weyn ee Sao Paulo.

Saraakiisha ma aysan sheegin in ay dhibaato soo gaartay dadka deganaa xaafadaha ay diyaaradda ku dul dhacday.

Bayaan kasoo baxay shirkadda leh diyaaraddan ayaa lagu sheegay in ay dhinteen dhammaan rakaabka saarnaa oo gaaray 58 qof iyo shaqaalihi diyaaradda. Ma aysan sheegin magacyada dadka saarnaa iyo in ay ku jireen dadkaasi socoto ajnabi ah iyo in kale.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aaddan waxa sababay shilka diyaaradda.

Shilkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Brazil tan iyo sanadkii 2007-dii, markaas oo 199 qof ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Sao Paulo.










Source link