Madaxweyne Xasan oo war culus ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dardargalinta dagaalka Khawaarijta, si adeegyada dowladnimada loo gaarsiiyo shacabka u nugul tacadiyada argagixisada, qorshaha dowladda ee Dimuquraadiyeynta iyo doorashooyinka qof iyo cod iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa qeybtaan uga hadlay dagaalka ay dowladdu ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo sheegay in muhiimadda koowaad uu dagaalku u yahay dowladiisa.

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa dagaalka Khawaarijta weli waa muhiimadeena koowaad, mana istaagin oo waa socdaa, mana istaagayo ilaa dalkaan laga xoreeyo argagixisada,” ayuu khudbadiisa ku bilaabay Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey weerarkii dadka shacabka ah lagu laayey ee caawa oo kale Jimcihii hore ay Shabaab ka geysteen xeebta Liido.

“Gaadmo waa sameeyaan mar kasta oo Khawaarijta waa dhaqankeeda, laakiin aad ayaa looga taxadaraa amniga Muqdisho, waana dhaceysa mararka qaar inay na gaadaan sidii habeen dhoweeto, ayadana intii nooga dhimatay Allaha u naxariisto oo intii nooga dhaawacantay ha u yasiro,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa mar kale cod dheer ugu sheegay shacabka in dagaalkii lagu qaaday Khawaarijta Al-Shabaab uusan joogsa doonin oo mujiimadda koowaad uu dowladda u yahay.

“kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhaqaale la’aanta la sheegay inay magaalada ka jirto.

Dhaqaale yarida dadka qaar waxay ku macneeyeen inay ka dhalatay lacagihii laga xayiray Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay, maadaama dowladdu dagaal dhaqaale ay ku qaaday kooxda, balse madaxweynaha oo hadal heyntaas ka jawaabay ayaa sheegay in dadka ka cabanaya dhaqaale xumada ay jiraan kuwii lacagaha u kala gudbi jiray argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Muqdisho ay sii kobceyso oo hormar xoog leh uu jiro, taasi oo muujineysa in dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo, isagoo tusaale u soo qaatay dhismayaasha guryaha, dabaqyada, filooyinka iyo jidadka laamiyada ah ee ka socda Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, sida Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba iyo Jowhar.

Hoos ka daawo



Source link