Maxkamadda G/Banaadir oo baafineysa haweeney loo haysto kiis xasaasi ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa baafineysa Nadiifo Xasan Cabdiqaadir Cabdulle oo xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay kiis xasaasi ah.

Xeer ilaalinta ayaa Nadiifo usoo jeedisay dambiyo ay kamid yihiin lacag dhaqida iyo maalgalinta argagaxisada, sida lagu sheegay warqadda baafinta ee ksaoo baxday maxkamadda gfobolka Banaadir.

“Maxkamaddu waxay baafineysaa kuna wargalinaysaa eedeysane Nadiifo Xasan oo ay dacwad ciqaab ah oo uu dhinac ka yahay ka furan tahay maxkamadda gobolka, uuna kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud sharciga ka hortagga lacag dhaqista iyo maalgelinta argagixisada.”

Nadiifo ayaa sidoo kale waxaa eedeymaha loo haysto kamid ah “dambi kamid noqosho urur hubaysan oo kasoo horjeeda qarannimada Soomaaliya,” waxaana loo qabtay in muddo soddan maalmood gudahooda ah ay ku hortimaado maxkamadda gobolka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir muddo (30) maalmood gudahood ayey fareysaa inay ku hor imaato oo ku eg 07/09/2024 oo ah maalinta Sabti ah, saacaduna tahay: (10:00Am) Subaxnimo, si ay iskaga difaacdo eedda uu kusoo eedeeyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.”

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay ku goodisay in ay qaadi doonto dacwada Nafiiso ayada oo maqane ah haddii ay maxkamadda ku hor imaan weyso mudadda loo qabtay.

Xeer ilaalinta ayaa horey sidan oo kale maxkamadda ugu gudbisay shaqsiyaad ku eedeysan lacag dhaqid iyo maalgalinta argagixisada, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya dagaal dhowr jiho ah kula jirto kooxda Al-Shabaab.



Source link