Hubanti la’aanta shirka G/Wadatashiga yaa faa’iido ku qaba Xasan mise maamullada?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Saddexdii asbuuc ee u dambeeyay waxaa shaqeyn waayay saddex isku-day oo la rabay in lagu qabto shirka golaha wadatashiga qaran.

Madaxdan muddo xileedka haysan ee maamul goboleedyada ayaa raadinaya inuu qabsoomo shir u fasixi kara inay doorashooyin u gaar ah qabsadaan.

Waxaa kale oo lagu jiraa waqtigii la heli jiray lacagta kabka ah ee ka timaada Bangiga Adduunka, taas oo ay maamul goboleedyada min dhowr milyan ka helaan.

24-kii bishii dhamaatay ee July waxaa la damacsanaa in Muqdisho la iskugu yimaado mana dhicin. Waxaa markale laga fikiray in 3-da August Xamar la iskugu tago, iyaduna ma qabsoomin.

Markale waxaa soo baxday in magaalada Kismaayo la isugu tegaayo, iyaduna hadda ma muuqato. Waxaana dhinaca Jubbaland ka xaqiijinay in uusan jirin shir qorsheysan oo horey looga heshiiyay inuu ka dhaco magaalada Kismaayo, balse hadda kadib laga wada-hadli karo macquul ahaanshihiisa.

Hal kulan oo kamid ah kuwa baaqday waxaa cudur-daartay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, laakiin guud ahaan baaqashadani kama dhigna in Xasan Sheekh la meer-meerinayo.

Waxaase dhinaca kale jirta inuu madaxweyne Xasan Sheekh shaqo wato, taas oo la xiriirta dhismaha guddiga doorashooyinka, sharciga doorashooyinka iyo sharciga axsaabta.

Isniintii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir ugu yeeray xubnaha xisbigiisa UPD, waxaa kale oo la xaqiijiyay inuu kulanka joogay wasiirka arrimaha gudaha iyo sharci-yaqaanno.

Waxay madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa ka wada-hadleen in si deg deg ah loo dhameystiro sharciga doorashooyinka iyo midka asxaabta, loona gudbiyo golaha wasiirada.

Horey golaha wasiirada ayaa u ansixiyay sharciga dhismaha doorashooyinka, waxaana kadib loo gudbiyay baarlamaanka. Haddana waxay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa u jiheysteen sharcigii doorashooyinka iyo kii axsaabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu weli ku dhagan yahay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Maamullada qaar inay isdib dhigaan Xasan uu dantiisa wato waa dibir dhinaca maamullada jirta.

Haddii ay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya maraan sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, midka axsaabta iyo kan guud ee doorashooyinka, Xasan Sheekh waa ka xoog badnaan doona halka uu maanta joogo.

Maamul goboleedyada haddii ay dib isku dhigayaan iyo haddii loogu tala-galayba, Xasan Sheekh wuxuu sameystay jidad uu ku gaari karo halka uu usocdo isaga oo shir qaban.

Maamullada raadinaya kabkii World Bank, in doorashooyinka loo fasaxo ama raba in madaxweynaha waxyaabaha qaar si dhab ah loogala heshiiyo iyaga hadda u baahan kulanka.

Xasan Sheekh waa nin weli sharciyad haysta, wixii uu baarlamaanka mariyana lama dhayalsan karo, marwalba oo shirka golaha wadatashiga qaran dib u dhacana waxaa macquul ah inuu hal tallaabo usii qaado in sharciyadda miiska saaran ku adkaado.

Maamullada iyaga ayuu hadda xalkooda ku jiraa inay miiska yimaadan.



Source link