Golaha Wasiirada oo ansixiyay sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada

Posted on

Muqdisho (Caasimda Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaaray sharciyo taabanaya doorashooyinka soo socda oo la rabo inay noqdaan qof iyo cod, wuxuuna golaha u qaaday tallaabadii ugu horreysay, ayada oo weli ay taagan tahay qaylada mucaaradka.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa goordhow si buuxda u meel-mariyay sharciga doorashooyinka iyo sharciga xisbiyada, kaasoo billow u ah qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu haatan ku doonayo inuu ku qato doorashada qof iyo cod ah.

Labadan sharci ayaa lagu wadaa in la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si uu u ansixiyo, laakiin waxaa taagan dood xoogan oo caqabad ku noqon karta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan meel-marinta shuruucdan oo fure u noqon doono doorashada.

Caqabadda ugu wayn waa xubnaha xildhibaannada mucaaradka ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ka waday Muqdisho, sidoo kale waxaa iyana indhaha la’iska tiri karin qaylo dhaanta siyaasiyiinta mucaaradka oo mar hore ka furtay Xasan Sheekh.

Dhinaca kale waxaa shirka golaha wasiirada lagu soo qaaday xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka, ayada oo warbixinno laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka hadlay amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa si weyn u bogaadiyay guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta kooxaha Khawaarijta, gaar ahaan guulihii laga gaaray dhinaca Jubbaland.



Source link