“Madaale ayaa fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta la hadashay Wariyeyaasha ayaa eedeyn culus u jeedisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Faa’iso Jayte ayaa sheegtay in Madaale uu hadda kahor Fatwo kasoo saaray xeebta Liido, isla markaana uu sheegay inuu ka socda fisqi xoogan, kadibna uu xigay weerarkii Jimcihii lasoo dhaafay lagu qaaday ee lagu laayay dadka badan.

“Heer waxaa la marayaa dadkii dadka mas’uulka ka ahaa oo nabad-galyadooda iyo hantidooda iyaga lagu aamninay ay dhahaan fisqi ayaa meesha ka socda oo Gudoomiyihii gobolka fatwooday in Liido la qarxiyo oo dhahay fisqi ayaa ka jira waa wax laga xumaado” ayay tiri Xildhibaan Faa’iso Jayte.

Sidoo kale waxa ay xildhibaannadu sii raacisay Meel bannaan ah oo barxad ah oo la’isugu yimiday oo la’isku wada jeedo fisqiga ka socdo muxuu yahay?.

Xildhibaan Faa’iso Jayte oo hadalkeeda sii wadata ayaa xukuumadda ku dhaliishay banaan-bixii Isniintii ka dhacay xeebta Liido, waxayna tilmaamay inuu mid digasho ah, isla markaana dano gaar ah laga lahaa, sida ay hadalka u dhigtay.

“Waxaan rabaa inaa cambaareeyo banaanbixii lagu sheegay in looga banaan baxaayo dhibaatadii Liido ka dhacday, iyada oo dadka banaanbaxaayay ay ahaayeen shaqaalaha rayidka oo lagu yiri haddii aan banaanbixi weysaan waxaa la’idinka joojinayaan xuquuqdiina oo mushaar ma haleysiin” ayuu hadalkeeda kusii dartay xildhibaanadda.

Ugu dambeyn xildhibaanadda ayaa ugu baaqday shacabka Muqdisho inay sameeyaan kacdoon, isla markaana ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo saameyn xoogan uu ka dhashay weerarkii xeebta Liido, kaas oo dhaliyay shaki oo laga muujiyay sida ay Al-Shabaab ku gaareen halkaasi, maadaama ay ka sokeeyaan baro koontarool oo lagu hubiyo gaadiidka.



Source link