Laba wiil oo walaalo ah oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud + Sababta

Posted on

Cadaado (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal argagax leh oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, kadib markii laba wiil oo walaalo ahaa si arxan darro loogu dilay gobolkaasi.

Weerarka oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay tuulo u dhow deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, waxaana lagu beegsaday qoys deganaa halkaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado ee isla gobolkaasi.

Maleeshiyaadka ayaa goobta ku dilay laba wiil oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabia jiray Cabdikariin Axmed Carab iyo Cabdinaasir Axmed Carab, waxaana sdioo kale ay dhaawaceen hooyada qoyska iyo carruur kale oo ku sugnaa guriga.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay kasoo jeedaan dhanka deegaanka Xiindheere, isla markaana ay dilka kadib goobta isaga baxsadeen, wuxuuna faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

“Qoyska waxay baraag ku lahaayeen halka ay mashaqdu ka dhacday , halkaasna waxaa ku dhintay laba wiil oo walaalo ah oo Ilmo Axmed Carab ah. Sidoo kale hooyadood iyo ilmo kale oo iyagu dhaleen ayaa halkaas ku dhaawacmay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ay dhaawaceyso heshiis nabadda ee dhowaan un laga gaaray colaad beeleedyada ka taagan gobollada ee dalka.

“Waa mushkilad runtii lagu naafeynayo nabaddii curdunka ahayd ee horay xabad joojinta looga gaaray ee horay heshiiska looga gaaray” ayuu mar kale yiri.

Horay ayaa sidan oo kale Galgaduud loogu dilay macallin Dugsi Qur’aan iyo walaalkiis oo dhaqtar ahaa, waxaa lasoo qabtay ragdii dilay oo iyagana toogasho lagu fuliyay.



Source link