War cusub oo kasoo kordhay xukunka gabdhihii TikTok-leyda

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –  Gabdhihii TikTok-leyda ee ay maalin kahor xukunka ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta laga sii daayay xabsiga, kadib markii ay iibsadeen xukuna ku dhacay.

Gabdhaha la sii daayay ee maanta dib u helay xoriyaddooda ayaa kala ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Khadro Anjalii iyo Farxiyo Zona, kuwaas oo xukun 6 bilood ah ay ku ridday maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhammaantood waxaa horay loogu eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiga dhexe.

Bilaal Bulshaawi oo kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaasha baraha bulshada ee Internet-ka ayaa xaqiijiyay inay lasii daayay gabdhaha, isla markaana ay iibsadeen xabsiga lagu xukumay.

“Ugu dambeyn dhammaantood waa xor, caawana guryahooda ayay u hoyan doonaan maalmaha soo socdana si toos ah ayaad u wada sheekeysan doontaan gabdhihii waa lasoo daayay sifo sharci ah ayayna kusoo baxeen oo uu u ogolaanaayo dastuurka dalka iyo shuruucdii lagu xukumay” ayuu yiri Bilaal.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qofka wuxuu xaq u leeyahay in xukunnada noocaan oo kale ah uu iibsan karo waana iibsadeen, iyagana intaas ayay waxay igu filantahay wacyigelin iyo kuwa waana qaadasho”.

Bulshaawi ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay cashir u noqon doonto dhammaan dhalinyarada kale, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada, maadaama uu yimid isla xisaabtan dhab ah, kaas oo muhiim u ah akhlaaqda qofka, dhaqanka iyo diinteenna Islaamka.

“Waxaan rajeynayaa insha allah dadka daawadayaashooda ah inay ku waana qaataan waxyaabaha noocaan oo kale ah, si aysan mar kale noogu soo laaban waxaan u rajeynayaa nolol qurux badan, wanaag iyo cimri dheer oo cibaado leh ayuu mar kale yiri Bilaal Bilshaawi.

Dhinaca kale waxaa jira dhalinyaro kale oo weli xiran, isla markaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo iyana loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, ayagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee barta TikTok.

Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo bilowday bishii May ee sanadkan, waxaana lagu soo xiray dhalinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Hadal-heyn xoogan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhalinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada degan Muqdisho.



Source link