Cabdiraxmaan oo sharaxay halistii uu galay isagoo badbaadinaya wiil dhaawac ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Cabdiraxmaan Raage oo ahaa wiilkii baraha bulshada lagu faafiyey isagoo badbaadinaya wiil kale oo dhaawac ah habeenkii weerarku ka dhacay xeebta Liido ayaa sharaxaad ka bixiyey sida uu habeenkaas xaalku ahaa.

Cabdiraxmaan ayaa maanta warbaahinta kula hadlay goobtii uu naf hurnimada ku sameeyey ee wiilka uu ka soo badbaadiyey, wuxuuna sharaxay sidii ay ugu suurtagashay tallaabadii la mahadiyey.

Muuqaal laga duubay meel fog ayuu Cabdiraxmaan kasoo muuqday isagoo doonaya dhaawaca wiil looga kala cararay barxadda hore ee xeebta Liido.

Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in markii uu go’aansaday in wiilkaas uu badbaadiyo ay socotay xabad aan kala joogsi laheyn, maadaama ay dagaalamayeen Shabaab-kii weerarka soo qaaday iyo ciidanka ammaanka.

Wuxuu sheegay in dhabarka iyo jilib ay jug kasoo gaartay, balse uusan u joojin ee uu u bareeray inuu ku dhex ordo xabado dhacaya, kadibna soo qaado dhaawaca.

Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaawaca wiilkaas uu geeyey laamiga hore, gaar ahaan meel u dhow dabaqa Cali Mahdi, halkaas oo booliska Soomaaliya ay ka qaadeen.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray in wiilkii dhaawaca ahaa ee uu badbaadiyey uu ku booqday isbitaalka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu soo bartay ehelkiisa.

Wuxuu sheegay in horay uusan u garaneyn wiilkaas, balse uu ka naxay markii uu arkay isagoo dalbanaya in la badbaadiyo oo gacanta haatinaya, sidaasna uu u soo aaday iyadoo xabaduhu u dhacayaan si darandoori ah.

Wiilka dhaawaca ah ayaa dhiig baxayey, sida wareysigaan uu ku sheegay Cabdiraxmaan, sidoo kale wuxuu cadeeyey in muuqaalkaas in laga duubayo uusan ogeyn ee baraha bulshada u uku arkay.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu mahadceliyey wiilkaan uu muujiyey geesinimo iyo dareen islaamnimo, maadaama uu kooxo manaxayaal ah oo toogasho fulinaya uu ka soo badbaadiyey wiil dhaawac ah oo dhiig baxaya, dhulkana ka kici waayey.

Hoos ka daawo Muuqaalka Cabdiraxmaan Raage



Source link