Wararkii ugu dambeeyay ee dibad-baxayaal caraysan oo weeraray masaajido ku yaal UK

Posted on

London (Wararka Maanta) – Tirada dadka loo xiray rabshadaha ka dhanka ah socdaalka ee ka socda guud ahaan England iyo Waqooyiga Ireland ayaa gaartay ugu yaraan laba boqol iyo konton.

Rabshadaha ayaa ka dhashay dil toddobaad ka hor loo geystay saddex gabdhood oo dhallinyaro ah.

Xog si khaldan loogu baahiyey internetka ayaa dhalisay rabshadaha kadib markii dilkaas loo tiriyey inay gaysteen dad soogalooti ah, taas oo sii hurisay carada sii fiday.

Masaajido iyo huteel oo ay degenaayeen magangalyo-doon oo ku yaalla magaalooyinka Rotherham iyo Tamworth ayaa dad badani oo ka mid ahaa kuwa dibadbaa dhigayey ay weerareen.

Shaqaalihii huteelka iyo dadka deggan, oo qaarkood magan-gelyo-doon ah, ayaa “argagaxay”, laakiin wax dhaawac ah lama soo sheegin, sida ay booliisku sheegeen.

Mid ka mida huteelada oo ku yaalla Tamworth, Staffordshire, boolisku waxay sheegeen inay la tacaaleen “falalka tuuganimada ah, balse hal askari ayaa boolisku sheegeen inuu dhaawac soo gaaray kadib markii dadka dibad-baxayey ay ku tuureen waxlo kala duwan iyagoo jajabiyey daaqadaha.”

Ra’iisul wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa dhaleeceeyay khalkhalka ka dhashay dibadbaxyada isagoo sheegay inay ka danbeeyaan koox tuugo ah oo midigta fog ah, wuxuuna sheegay in kuwa ku lugta leh ay wajihi doonaan sharci adag..

Dowladiisa ayaa kulan deg deg ah yeelan doonta maanta oo isniin ah kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan

Ra’iisul wasaaraha ayaa wacad ku maray inuu sameyn doono “wax kasta oo ay ku qaadaneyso in kooxahan sharciga la horkeeno” mar uu khudbad u jeedinayay shacabka.

“Dadka ku nool dalkan waxay xaq u leeyihiin inay nabad qabaan, haddana waxaan aragnay bulshooyinka muslimiinta ah oo la bartilmaameedsaday iyo weerarrada masaajidda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu intaa raaciyey in “bulshooyinka kale ee laga tira badan yahay ee la takooray, salaanta Naasiga ee dariiqyada lala istagay, weerarida booliska, rabshadaha ay dhinac socdaan hadalada cunsiyada leh, markaa maya, kama fogaan doono inaan ugu yeero waxa ay tahay: tuuganimada midigta fog.”

Aqalka number 10 ee looga arrimyo UK, ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shirka Cobra, kaas oo ah mid si gaara looga hadlayo xaaladda ka taagan dalkaasi. Shirkaas waxaa isugu yimaada wasiirada dowladda ,booliska, nabag-sugida iyo madax kale ee ku taxaluqda arrintan

Kulanka Isniinta ee guddiga gurmadka ayaa looga gol leeyahay in dowladda ay ka siiyaan warbixin ku saabsan shaqaaqooyinkii dhacay dhammaadka todobaadka iyo jawaabta maalmaha soo socda. Waxay ka koobnaan doontaa wasiirro iyo wakiillo boolis ah.

Booliiska ayaa ka jawaabay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Tamworth, Middlesbrough, Bolton, Hull iyo Weymouth, iyo qaybo kale oo UK ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska arrimaha gudaha ee UK ,ayaa lagu sheegay in masaajidada si weyn loo ilaalinayo taas oo qayb ka ah qorshaha cusub , waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in ciidamada deg deg loo diri doono si ay dib ugu soo celiyaan sidii logu cibaadaysan laha goobaha cibaadada sida ugu dhow uguna dhaqsaha badan.

Sida ay sheegeen booliska South Yorkshire, magaalada Rotherham, ugu yaraan toban bilays ah ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah ayaa miyir beelay ka dib markii mudaaharaadayaal ka soo horjeeda socdaalka ay ku tuureen alwaax.

Xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper, ayaa ugu yeertay muuqaallada “mid laga naxo” waxayna sheegtay in booliisku ay taageero ka helaan dowladda si ay u qaadaan “tallaabada ugu adag”.

Booliska Manchester, qaybta 60AA, ayaa soo saaray amar dadka magaalada looga dalbanayo inay “ wajiga ka qaadaan gafuur xirka si loo aqoonsado”

Rabshadaha ayaa daba socday dhacdooyin la mid ah oo rabshado ka dhacay Southport, Belfast, Hartlepool, Hull, Liverpool, Stoke-on-Trent, Nottingham, Sunderland iyo meelo kale horaantii isbuucaan.

Isha: BBC



Source link