DF oo caawa abaabuleysa banaanbax weyn oo berri ka dhacaya Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Soomaaliya ayaa abaabuleysa banaanbax weyn oo berri ka dhici doona magaalada Muqdisho, kaas oo bilaaba doona subaxa hore, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Banaanbaxa berri dhacaya ayaa looga dhiidhinayaa xasuuqii ay Khawaarijta Al-Shabaab habeen ka hor u geysatay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido.

Dowladda ayaa qorsheysay in dibad-baxaas uu ka dhaco qeybo badan oo ka mid ah magaalada, balse ugu dambeyntii la isugu tago xeebta Liido oo ah halkii dadka lagu laayey.

Shaqaalaha dowladda ayaa maanta lagu war geliyey in berri subaxa hore ay soo xaadiraan xarumaha ay ka shaqeeyaan, si loogu jiheeyo goobaha loo qorsheeyey in dibadbaxayaashu isugu tagaan oo xeebta Liido ay ugu horeyso.

Koox dhalinyaro ah oo wasiirka dhalinyarada uu hoggaaminayo ayaa maanta isugu tagtay isbitaalka Madiina, kuwaas oo dhiig u shubay dadkii dhaawacmay, kadibna waxay la hadleen warbaahinta.

Dhalinyaradaas ayaa maanta sheegay iyagoo careysan in wixii ka dhacay Liido aan laga aamusi karin, iyagoo iclaamiyey banaanbax weyn oo berri ay dhigayaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa habeen hore si cadowtinimo ah u beegsatay dhalinyaro ku caweyneysay xeebta Liido, waxayna u dhigeen dabin adag oo qaraxyo iyo weerar toos ah isugu jira.

Dad badan ayey dileen dhimashada ayaa gaartay 40 qof iyo dhaawacyada todobaatameeyo kale, inkastoo la fashiliyey gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay in dadka inta ka soo badbaada xeebta uu ku baabi’i rabay laamiga.

Ninkii waday gaarigaas ayaa la dhaawacay, kadibna waxaa lagu qabtay nolosha, iyadoo shalay galab si ku talagal ah loo qarxiyey, inkastoo uu gubtay gaadiid badan oo goobta looga cararay habeenkii weerarku dhacay.



Source link