Khasaaraha ka dhashay weerarkii xeebta Liido oo kordhay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warbixin cusub oo kasoo baxday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerarkii ay Jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan oo faah-faahiyay tirakoob ay sameysay dowladda ayaa xaqiijiyay inuu aad u kordhay khasaaraha, isla markaana dhimashada ay gaartay 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray ill 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Sidoo kale wuxuu dadka ay xaaladdoodu liidato wasiirku ku sheegay in ay yihiin 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli uu socdo gurmadka wadda dowladda Soomaaliyeed, isla markaana dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibaddiisa.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo tallaabo qaaday kadib weerarkaasi waxa ay tilmaamtay in lasoo xiray askar iyo saraakiil ku sugnayd aaggaas, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo isna xalay booqday isbitaalka Difeer ee Muqdisho.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri Xamza.



Source link