Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada caasimad aah ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan iyo dagaalka xigay oo muddo kooban socday, maadaama ay ahayd xilli habeen ah xog badana aan la heli karin.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan weerarka Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada ammaanka ay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan aagga lagu dagaalamay, waxaana ciidamadu ay baadi goobayaan xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla gudaha dalka, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwan.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, saacado uun kadib markii weerar lagu hoobtay ay kooxda ka fulisay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday shacab ku caweynayay xeebta Liido.



Source link