Somaliland oo qoraal aan looga baran kasoo saartay weerarkii LIIDO

Posted on




Hargeysa (Wararka Maanta) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horreysay ka hadashay weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido, kaasi oo lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaska ay dadkoodii kaga dhinteen qarixii xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyada oo dhambaalka lagu yiri “dalka aynu jaarka nahay” ee Soomaaliya.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoysaskii 32-kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixiso.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa tilmaantay “in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxay caddaysay in xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shacab ah, gaar ahaan dhallinyarada.

Weerarkii xalay ayaa muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu dilay illaa 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale.

Weerarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha Al-Shabaab ay xooga usoo saareyso caasimada, ayadoo dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.










Source link