Falcelin xoogan oo ka dhalatay weerarkii lagu dhamaaday ee Liido

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Facelin xoog leh ayaa ka dhalatay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkan ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh, waxaana dhimashada ay gaareysaa labaatameeyo qof, halka ay ku dhawaacmeen 140 kale oo u badan dhalinyaro.

Madax kala duwan oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee dalka iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha maamul goboleedka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkan, waxayna dhammaantood cambaareeyeen falkan, iyaga oo sidoo kale ka tacsiyeeyay.

Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee dowladdkii KMG ayaa yiri “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan habeen Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed” .

Maxamed Cabdullah Farmaajo madaxweynihii hore ee dalka “Goobaha nasashada dadweynaha in weerar iyo qarax ay ku beegsadaan argagixisada Alshabaab waxay muujinaysaa cadaawadda, diin la’aanta iyo damiir xumada arxan laaweyaashan caadeystay xasuuqa iyo gumaadka dadka Soomaaliyeed. Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga”.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe “Qalbiyadeenna aad ayuu u gilgilay weerarkii bahalnimo ay argagixisada ka geesatay Liido. Rabbi ha Janneeyo intii ku dhimatay, inta dhaawaca ah Allaha bogsiiyo.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre “In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah”.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa yiri “Weerarka arxan darrada ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan waxay muujineysaa sida argagixisada gumaadeyso dalkeenna, Allaah waxaan ka baryaa intii geeriyootay in uu jannadii geeyo inta dhaawacana uu u boogga dhayo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isuguna yiri “Allaha u naxariisto shacabka ay caawa argagexisadu ku xasuuqeen xeebta Liido, caafimaad degdeg ahna Allaha siiyo inta dhaawaca ah. Muuqaallada laga soo qaaday goobta ay naftii haligayaasha isku qarxiyeen waa kuwo argagax leh oo muujiniyana arxan la’aanta argagexisada iyo sida ay uga arradan yihiin damiirka qofnimo, islaanimo iyo bani’aadanimo”.



Source link