Goobjooge arkay ninkii isku qarxiyay LIIDO oo xog cusub bixiyay + Video

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Macluumaad a dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa weerar ku billowday qaraxyo oo xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteelka lagu magacaabo Beach View ee Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen halkaasi, maadaama ay ahayd Jimco, isla markaana xeebta loo tago damaashaad iyo nasiino.

Wiil dhalinyaro ah oo goobjoog uu ahaa weerarka, isla markaana xilliga uu dhacayay ku sugnaa xeebta Liido ayaa xog cusub ka bixiyay musiibadii halkaasi ka dhacday, wuxuuna tilmaamay inuu arkay ninka is qarxiyay ee beegsaday hoteelka iyo shacabkii ku sugnaa.

“Annaga oo taagan ayuu qaraxu dhacay indhaheyga waxay qabteen, iyaga oo hoteelka sii galaayo, nin ayaa sidoo kale iridda taagnaa askariga ayaa kusoo cararay kadibna wuu istaabtay jaakad ayuu watay ninka” ayuu yiri goobjoogaha.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dad badan ay ku dhamaadeen goobta, isla markaana ay in muddo ah waayeen gurmad iyo gaadiid ay ku qaadaan dhaawacyada.

“Ilaaheybaa mahad iska leh aniga waxba ima gaarin laakin dadkii waa baaba’een, wayna go’go’een” ayuu mar kale yiri wiilka dhalinyarada ah ee ka badbaaday weerarkii xalay.

Maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan ayaa la arkay kadib weerarka, waxaana muuqaalada laga helay goobta ay muujinayaan khasaare baaxad leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay saqdii dhexe qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho.

Yuusuf Madaale ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, isagoona jannatul fardowsa u rajeeyay dadkii kale ee ku dhintay weerarkaasi.

 



Source link