Arrin kasoo korortay nin ay sodohdiis ku dishay Boosaaso

Posted on




Boosaaso (Wararka Maanta) – Ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo ay soddoh u aheyd.

Ninkan oo u dhintay dhaawac ay soddohdiis ugu geysatay tooreey ayaa lagu magacabi jiray Maxamed Cabdi Bille, wuxuuna qabay gabadheeda haweenayda dishay.

Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, hase yeeshe warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf qoyska dhexdiisa ka taagna, ayada oo haweenaydan la sheegay inay doonaysay in loo furo gabadheeda oo xaamilo aheyd.

Haweenaydan loo haysto dilka ayaa waxaa hadda gacanta ku haya booliska gobolka Bari, oo kiiskan durba baaristiisa bilaabay.

Taliska ciidanka booliska ee gobolka Bari ayaa sheegay in haweenayda tooreyda ku dishay wiilka ay soddohda u aheyd “ay qiraal ku tahay dilka marxuumka.”

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli isla maanta magaalada Boosaaso lagu dilay Khaalid Cali Khaalid oo ahaa gudoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika.

Khaalid ayaa la sheegay inay dilkiisa geysteen dablay ku hubaysnaa hubka fudud, kuwaas oo illaa hadda haybtooda la aqoon. Laamaha amniga magaalada ayaa sheegay inay ku raadjoogaan kooxda dilka geysatay.










Source link